Home WARARKA DEG DEG: Qarax Xoogan oo Goordhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama Muqdisho

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Goordhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama Muqdisho

0
SHARE

Qaraxaan ayaa Goordhow waxaa jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir,waxaana uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha Wadada Maka almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari Saruf ah oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu ku qarxay kasoo hojeedka Hotelka Furat oo u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho, isla markaana qaraxa uu ahaa mid gaariga lagu dhejiyey.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qaraxa lagu dhejiyey uu lahaa Taliyaha qeybta baarista ee  Xarunta Dambi-Baarista ee CID-da oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Bile, balse uusan geysan wax khasaaro ah

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugan Isgoyska Shaqaalaha ayaa tegay Goobta kuwaas oo xaalada koontoroolaya,isla markaana Gaadiidka qaar wadada ka celinaya.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE