DEG DEG: Qarax ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir (Goddoomiye Yariisoow iyo Masuuliyiin kale oo…)

0

Qarax ayaa la sheegay inuu goor dhow ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir (Fiisho Governo) oo ku taalla degmada Xamar-Weyne ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ku sugan xarunta gobolka ayaa sheegaya in qarax weyn oo ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha uuna jiro khasaare nafeed oo ka dhashay.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaasta ayaa halkaas gaaray kuwaasoo qaadaya dhaawacyada, waxaana goobta xiray ciidamada amaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya iney jiraan masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka iyo kuwa degmooyinka oo waxyeelo ay soo gaartay, waxaana weli soo baxaya faahfaahinta qaraxan.

Warar aan la xaqiijin ayaa ayaa sheegaya inuu dhaawac soo gaaray gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng. Yariisow, sidoo kale gudoomiyaha degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir iyo xubno kale.

La soco wixii soo kordha