Deg Deg: Qarax culus oo ka dhacay magaalada Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo waxaa goordhaw ku qaraxay baas ay la socdeen koox ciyartoy ah.

Wararka waxay sheegayaan in baska ay la socdeen ciyaartoyda kooxda lagu magacaabo JCCI ee Kismaayo ka dhisan, sida uu qoray Radio Muqdisho.

Wararka qaar waxay sheegayaan in gaariga uu gubtay ayna jiraan dhaawacyo iyo dhimasho, inkasta oo weli aan la xaqiijin inta uu la egyahay.

Sida uu qoray bogga Radio Muqdisho, gaariga siday ciyaartoyda wuxuu ku sii jeeday garoonka kubadda cagta, “halkaas oo Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland uu ka daah furi lahaa galabta tartan u dhexeeya kooxaha magaalada oo ku saabsanaa isdhexgalka bulshada.”