DEG DEG: Qarax Caawa ka dhacay Kismaayo & Warar Hordhac Ah

0

War goordhaweyd naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax jugtiisa laga maqlay Magaalada Kismaayo Salaadii Cishaha kadib.

Qaraxaas ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan cida lagu weeraray iyo nuuca uu ahaa iyadoo dadku ay kala hadlayaan.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Bambaanada gacanta laga tuuro sida ay ilo muhiim ah Warqaad usheegeen,waxaana uu ka dhacay Agagaarka Aargada Kismaayo meesha loo yaqaano GOLOL.

Dad inay ku dhaawacmeen ayaa la sheegayaa balse tiro lama oga,iyadoo Shalay Magaalada Kismaayo ay ka dhaceen iskahorimaad udhaxeeyey Maleeshiyo Daacad u ah Seeraar iyo Ciidanka Jubbaland ayaa hadana caawa qaraxaasi caawa dhacay.

Dadka Kismaayo oo Amni ku noolaa ayaa 24-kii Saac ee lasoo dhaafay ay dareemeen Qal Qal Amni daro.