DEG DEG: Muuse Suudi oo dib loo doortay & Rasaas ka bilaabatay Muqdisho

0

Doorashada oo wakhti badan la geliyey ayaa waxa dib loo doortay Senetor Muuse Suudi Yalaxoow isagoo ka adkaaday Axmed Xasan Cadoow (Daaci).

Doorashada ayaa aheyd mid isha lagu wada hayey iyadoo labo wareeg hore la sigay in uu la kulmo culeys Muuse Suudi inkastoo qeybtii seddexaad uu codad dhowr ah ku hormaray.

Gudoomiyaha baarlamaanka hirshabelle C/xakiin Luqmaan ayaa shaaciyey natiijada isagoo sheegay in 55 cod uu helay Muuse Suudi halka uu helay 43 cod Axmed Daaci oo ay wareega udambeeya ku tartameen.

Mar keliya ayaa rasaas laga maqlay Jowhar iyo Muqdisho taas oo aheyd mid loogu dabaal degayey guusha uu gaaray caawa Muuse Suudi.

Dib udoorashada Muuse Suudi ayaa ah mid Villa Soomaaliya ay aad udiidaneyd wakhti badana ku bixisey sidii ay u hor istaagi laheyd balse ma dhicin.