Deg Deg: Musharaxii ay wadatay Villa Soomaaliya oo tanaasulay

0

Waxaa soo dhamaatay tirinta wareegga koowaad ee doorashada Aqalka Sare ee caawa ka socota magaalada Jowhar

Cabdullahi Sheekh Xasan oo ay wadatay Villa Soomaaliya islamarkaana ay lacag badan ku bixisay ayaa ka haray tartanka wareega 2-aad ee doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

Musharax Sanatar Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa oo ka hadlay hoolka dooorashada markii ay soo dhamaatay wareega 1-aad ayaa waxa uu sheegay inuu   tanaasulay tartanka xubin golaha aqalka sare doorashada ka socota Magaalada Jowhar.

Musharaxan ayaa lacag badan waxaa ka qaatay Xildhibaanada waxaana maalgeliyay Fahad Yaasiin oo shalay Boorso lacag ah ka dejiyay Jowhar, balse Xildhibaanada ayaa u muuqda iney doonayaan Muuse Suudi.

Wareegga 3aad ee Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya Musharax Muuse Suudi Yalaxow iyo Musharax Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci)

Tirada Xildhibaannada Hirshabelle waa 97 Xildhibaan.

Musharaxa hela saddex mee labo meel ayaa ku guuleysan lahaa wareega koowaad, maadaama Muuse Suudi uu helay 51 cod wareega koowaad waxaa laga rabay 65 cod oo ah saddex meelood labo meelood, si uu u xaqiijiyo tiradaas inuu ku guuleysto wareega koowaad.

Sidaas darteed ayaa Wareega saddexaad oo toos loogu gudbay, maadaama ay aheyd saddexda ugu codka badan inay wareega labaad u soo baxaan ayaa musharaxii saddexaad uu tanaasulay.

Doorashada wareega saddexaad waa cod hal dheeri ah, haddii Muuse Suudi uu xaqiijiyo cododka uu helay wareega 1aad ayuu sidaas ugu guuleysanayaa.

Muqdisho-Somalia

Abdiazizh99@gmail.com