Home WARARKA DEG DEG: Madaxweyne Lafta Gareen oo Goordhow ka degay Magaalada Baraawe

DEG DEG: Madaxweyne Lafta Gareen oo Goordhow ka degay Magaalada Baraawe

0
SHARE

Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Goordhow gaaray magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay , iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo xaqiijinaya Amaanka wadooyinka soo gala Magaaladaasi.

Waxaa uuna kulamo uu la qaadan doonaa Madaxda maamulka Degmada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE