DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo Oo War Kasoo Saaray Dagaalkii Shalay Beled weyne

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa uu ka hadlay Dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Kalabeyr Ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkani waxa uu ahaa mid geystay Khasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac,iyadoo madaxweyne Farmaajo uu gudi usaaray Soo baara Dagaalkaasi iyo Xaqiiqadiisa waxa sababay.

Maleeshiyaad kala taabacsan Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba geed iyo Gudoomiyaha Cusub Cali Maxamed Caraale ayaana dagaalka uu dhexmaray.

Dagaalkaasi waxaa ku dhintay dad uu ka mid ahaa Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Korneel Maxamed Macoow Xalane,islamarkaana ay Saraakiil kale ku dhaawacmeen.

Gudiga la magacaabay waxaa gudoomiye u ah Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) kuwaasi oo si deg deg ah utegaya Magaalada B/weyne.

Gudigaan Xaqiiqa raadinta ah ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo soo qiimeeya khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi iyo waxa sababta ka dhigay in la dagaalamo.