DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax

0

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa fiidkii soo saaray wareegto uu ku magacaabayo guddi baaritaan ku sameeya kiiska ikraan tahliil faarax.

Waxa uu madaxweynaha magacaabay guddi ka koobnaan doona 5 xubnood oo seddex ka mid ah laga sugayo inay soo gudbiyaan Taliyaha Booliska Soomaaliya,Taliyaha Xoogga Dalka & Taliyaha Nabad Sugida.

Labada Xubnood ee Madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed oo gudoomiye Guddigaan looga dhigay halka xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya General C/llaahi Buule Kameey looga dhigay gudoomiye kuxigeen.

Madaxweyne farmaajo ayaa guddigaan faray in howshooda si xilkasnimo leh ugutaan warbixinta baaristana ugudbiyaan hay’adaha ku shaqada leh.

Waa markii ugu horeysay oo madaxweyne farmaajo uu ka hadlo kiiska Ikraan tahliil oo muddo 3 bil ah kudhawaad qoyskeeda weysanaayeen.