Qaar kamid ah mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabatay dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale ayaa war-saxaafadeed ay ku mideysan yihiin kazoo saaray shirkii golaha wadatashiga qaran ee habeen kahor lagu soo gaba-gabeeyay aqalka madaxtooyada.
Qoraalkooda ayey kaga digeen dhaqan gelinta qoodbadaasi, iyagoo doodooda sal uga dhigay in heshiiskaasi ay gaareen madax yar oo ay jireen mas’uuliyiin shirkaasi ka maqnaa.
Qodobada qaar ee heshiiska golaha wadatashiga qaran ku jiro ayey tilmaameen iney baalmarsan yihiin shuruucda dalka iyo nidaamka awood qeybsiga beelaha.
Waxa ay soo jeediyeen in laga fogaado mudo kordhin heer dowlad goboleed iyo mid heer federal ah, iyagoo dalbaday in wadahadal laga galo qodobada lasoo saaray.
Si kastaba, xubnaha warsaxaafadeedkan soo saaray ayaa kala ah; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cumar C/rashiid, Cabdi wali Sheekh Axmed, Cabdi wali Cali Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan, C/qaadur Cosoble Cali, Dr Cabdinuur Sheekh Maxamed iyo C/naasir Cabdulle.
Muqdisho-Somalia