DEG DEG: Japan Oo War Culus Kasoo Saartay Arin Caalamku Indhaha Kuwada Hayeen

0

War kasoo baxay Xukuumada Tokyo Ee Dalka Japan ayaa lagu sheegay inaysan hadda qorshaha ku darsan inay dib udhigto ama ay joojiso Qabashada Ciyaaraha Olambikada Adduunka.

Sababta ayaa lagu sheegay in Cabsi ay Dadka qaar soo food saartay Caabuqa Corono Ee Japan ugudbay dhowr qofna ay udhinteen.

Balse Japan ayaa ku doodeysa in xilligii loogu talo galay ay Ciyaaraha Olambikada Dunida dhacayaan.

Sida loo shaaciyey kol hore Tartanka ayaa bilaabanaya 24 Bishaan July ilaa 9 Bisha Augusto ee 2020 Ayuuna socon doonaa.

Dadka ayaa waxay Wejiga kusoo xiran doonaan Marada Afka ilaa Sanka Dabooleysa si ay Corono Viruska iskaga ilaaliyaan.

Taageerayaal tiro badan oo ukala sacbinaya inkabadan 25 Waddan oo Tartankaas Ka qeyb galaya ayaana gaari doona Dalka Japan Caasimadiisa Tokyo oo Ciyaaraha Olambikada Adduunka ka dhici doonaan.