Deg Deg: Hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta madaxtooyada soomaaliya

0

Abaare 2:00 duhurnimo ayaa mar keliya laga maqlay jugta madaafiic ku dhaceysa agagaarka madaxtooyada Soomaaliya,iyadoo xaaladu weli ay cakiran tahay.

Hoobiyeyaasha qaarkood ayaa ku dhacay afaafka hore ee Albaabka Madaxtooyada dhinaca xigta Hoteelka SYL waxaa sidoo kale jira madaafiic ku dhacday Xarunta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

Wariyeyaal ushaqeeya Warbaahinta Dawladda ayaa waxay sheegeen inay maqleen dhowr madfac oo xarunta kusoo dhacay balse aan la ogeyn khasaaraha inta uu la eg yahay.

Xaafada Ex fiyoore ayaa ka mid ah meelaha ay ku dhaceen madaafiicda sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah,iyadoo weli laamaha amniga dawladda aysan ka hadlin.

Kooxda al shabaab weerarka ay soo qaaday maanta waxa uu kusoo beegmayaa xilli maalintii labaad uu ka socdo Muqdisho shirweynaha culimada soomaaliyeed oo looga hadlayo fikirka xagjirka ah iyo sidii fatwo looga soo saari lahaa.