DEG DEG: Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo goordhow xilkii laga qaaday

0

Golaha Baarlamaanka Puntland oo kulan deg deg ah ku yeeshay xaruntooda  magaalada Garoowe ayaa cod u qaaday Mooshinkii ka dhanka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed.

Kulanka oo ay soo xaadireen 53- Xildhibaan ayaa 49-ka mid ah waxa ay u codeeyeen  xilka qaadista Dhoobo-Daarood, 4 afarna way ka aamuseen.

Lama oga tallaabada xigi doonta xil ka qaadista guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland.

Xalay ayay ahayed markii is rasaaseyn ay  ka dhacday xarunta Baarlamaanka waxa ku dhintay laba qof halka afar kalena ku dhaawacmeen