XASAASI: Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo soo saaray war lama filaan ku noqday Musharaxiin badan (Daawo)

0

Guddiga qabanaya doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray habraac cusub oo la rabo in doorashada berri dhaceysa ee madaxweynaha 10aad taas oo culeyskeeda leh qodobada qaar.

Gudoomiyaha guddigaasi C/qani Geelle ayaa maalin weyn ku tilmaamay isagoo shacabka ka codsaday dulqaad ay muujiyaan bandowga la saaray awgeed.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo katirsan xubnaha guddiga doorashada qabanaya ayaa saxaafada u akhriyey shuruudaha laga rabo dadka tegaya hoolka Afisiyooni berri si ay goobta doorashada madaxweynaha uxaadiraan.

Gebi ahaanba waxaa la mamnuucay in hub lala galo teendhada ha noqoto ilaalada kuwa ay wataan madaxda iyo murashaxiinta iyo kuwo kale oo laamaha amniga ah.

Sidoo kale waxa guddiga ay mamnuuceen in lacago kaash ah lala galo hoolka doorashada islamarkaana ay ku sheegeen midaasi in aan la aqbali doonin.

Guddiga doorashada qabanaya Madaxweynaha waxay ka digeen in aaladaha Mobilada,Laptop-yada iyo IPAD Intuba lala galo hoolka si cod ahaan loogu duubo ama muuqaal la iskaga duubo.

Waxay guddiga go’aan ku gaareen inaysan jiri doonin marka doorashada codeynteeda bilaabato wax olole ah inaan laga sameyn Karin hoolka gudihiisa.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO