DEG DEG: Gabar inta la gowracay Digsi lagu gambiyey Gudaha Muqdisho

0

War naxdin leh ayuu ahaa oo kusoo dhacay Warqabadka Warqaad,waxaana maanta duhurnimadii nasoo gaaray khabarka ah in Gabar inta la gowracaya Meydkeeda la jar jaray qeyb ka mid ah.

Gabadhaan oo lagu gambiyey Hilibkeeda markii la jar jaray Digsi nuuca sabta lagu kariyo ah ayaa lagu arkay maanta oo Talaado ah Xaafada Suuq Boocle meel ku dhaw Iskuulka Dhame Yaasiin Cartan Ee Degmada Dharkiinleey.

Seddex Maalmood ayaa Nafisa ay reerkooda ka maqneyd da’deeda waxa lagu qiyaasay 10 sanoiyadoo ciidamada amaanka ay baaritaan ku hayaan falkaasi sida uu udhacay waxaana loo xiray todobo qof sida saraakiisha qaar inoo sheegeen.

Wariye katirsan Warqaad ayaa tegay guriga falkaan naxdinta leh ka dhacday waxaana idiin soo gudbin doonaa Sawirro aan soo qaadnay.

XOGTAAN WIXII KASOO KORDHO INSHA ALLAAH DIB KALA SOCDA