Deg Deg: Farmaajo oo shaaciyay mowqifkiisa heshiiska doorasho ee la gaaray

0
24

War qoraal ah oo goordhaw bartiisa FACEBOOK uu ku soo daabacay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu ku soo dhaweeyay heshiiska doorasho ee Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen.

Hoos ka akhriso:

Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan.

Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL).

Dhanka kale waxaa heshiiskan ka hor yimid dhowr siyaasiyiin oo uu kamid yahay Cumar Cabdirashiid Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka waxeyna ku tilmaameen nidaam kali talis ah.

Dhanka kale Farmaajo ayaa aaminsan in ay dadka jecelyihiin islamarkaana uu ku soo baxayo doorashada qof iyo cod ah isagoo la xasuusto in Soomaaliya uusan waxba kusoo kordhin.

Muqdisho-Somalia