Deg Deg: Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare oo ka bilaabatay Kismaayo

0

Waxaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ka bilaabatay doorasahda qaar kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ee ka imaanaya degaannada Jubbaland.

Waxaa doorashada ku tartamaya 9 Musharax waxeyna ku tartamayaan Afar kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare, waxaana u codeeynaya Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kursiga ugu horreeya ee doorashada Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah, Cabdirisaaq Maxamed Cismaan Ilyaas Badal Gaboose, iyada oo ay socot codeynta Xildhibaannada.

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwo ka tirsan Booliska AMISOM ayaa Maanta siweyn uga qeyb qaadan doona sugida amniga Magalada Kismaayo gaar ahaan Goobta lagu qabanayo doorashada Aqalka sare.

Kala soco Warqaad wararkii ugu dambeeyay doorashada Soomaaliya

 

Muqdisho-Somalia