DEG DEG DHAGEYSO: Wareysi Dhoobo Daareed Sir Badan Ku Sheegay Xilka Qaadistiisa Kadib

0

Wareysi uu siiyey goordhaweyd Idaacada BBC SOMALI ayuu kaga hadlay Gudoomiyihii Codka Kalsoonida ay kala noqdeen Xildhibaanada Puntland Maanta oo khamiis aheyd.

C/xakiin Dhoobo daareed ayaa ku tilmaamay uGu horeyn Xilka qaadistaas mid sharci daro ah islamarkaana uusan aqooneyn kulankii dhacay.

Waxa uu ku dooday in Sifo sharci ah uu ku yimid sidaa awgeedna uu ku adkeysanayo in weli yahay Gudoomiyaha Wakiilada Puntland Ee Sharciga ah.

Dhoobo daareed ayaa ku eedeeyey Madaxtooyada Puntland in Xildhibaanada ay Cadaadis saartay oo min labaatan Kun Dollar la siiyey sida uu warka udhigay sidaasna mooshinka loo hir geliyey.

Meesha kama uusan saarin hadii Qancin lala sameeyo uu iska tegayo Si la mid ah Dawladii C/weli Gaas oo Meesha laga tuuray Shir oo Gudoomiye ka ahaa Baarlamaanka Puntland.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

bre