Faah faahin laga helay dagaal xooggan oo goordhow ka qarxay Dh/mareeb & Khasaaraha

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa uu dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu Maanta ku dhex-maray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku wada sugan degmadaas.

Labada Ciidan oo ka kala tirsan Ciidamada Haramacad ee Booliiska gaarka ah iyo Kuwa Nabadsugida Soomaaliya ayaa ku dagaalamay Aaga Xarunta ay ku sugan yihiin Ciidanka Nabadsugida,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in uu ku faafay xaafadaha kala duwan ee Magaalada.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka labada Ciidan uu daba socday muran maalmahaanba ka dhex jiray talisyada labada Ciidan ee Haramacad ee Booliiska gaarka ah iyo Kuwa Nabadsugida Soomaaliya.

Dad ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in xaalada ay haatan tahay mid degan,isla markaana saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ay kala dhex galeen labada Ciidan oo dagaalantay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa tan iyo markii ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya waxaa ka dhacay isku-dhacyo dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan dowladda,kuwaas oo waxyeelo u geystay Ciidamada iyo dad Shacab ah.