Deg Deg : Dagaal ka qarxay Laascaanood iyo Somaliland oo ka hadashay

0

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaas uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

 

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan.

dhanka Kald Somaliland gaar ahaan wasaaradda Gaashaandhigga ayaa qoraalkan hoose soo saartay.

 

kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maanulka Putland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinaca bari Magaalada Laascaanood.

 

Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer.

 

Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi.

 

Dagaalkan saaka ay soo qaadeen Ciidamada Puntland iyo kooxaha Argagixisada ah ee isgarabsanaya ayaa ahaa mid muddooyinkii u danbeeyey laga shaqaynayey abaabulkiisa meelo badana la isaga yimi, ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabay weerarkan ay soo qaadeen Puntland iyo huwanta la socotaa.

 

Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland.