Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah waxaa israsaaseyn ay ka dhacday meel ku dhaw Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshiid.

Iska horimaadka waxa uu ka dambeeyey markii ciidamo Boolis ah oo halkaasi kusugnaa ay xoog ku damceen inay ku gudbaan ciidan Meliteri ah.

Ciidanka Booliska waxay sheegeen inay xiran tahay wadada oo aysan xoog jirin balse Askarta Meliteriga waxay isku dayeen inay Amarka loo jeediyey dhag jalaq usiinin.

Sidaas ayaana tacshiirad ay isku weydaarsadeen Labada Ciidan ee kawada tirsan Dawlada Soomaaliya.

Ciidamada Dagaalamay waxaa la xaqiijiyey in ay jiraan Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay hase ahaatee weli lama hayo khasaaraha inta uu la eg yahay.

Shalay Jimcihii gabal dhicii ayaa maana booiyo oo katirsan Degmada Shibis waxa isku rasaaseeyey ciidamo kawada tirsan dawlada Soomaaliya.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.