DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda deegaan katirsan Gobolka Hiiraan

0

War kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegay in galabta uu dagaal culus ka qarxay deegaano katirsan Gobolka Hiiraan oo muddooyinkii dambe kacdoonka uu hakad ku jiray.

Dagaalkaan hadda socda ayaa u dhaxeeya Ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ee beesha Xawaadle iyo kooxda Al Shabaab ayaa ka socda deegaanka Ceel-dheere oo hoostaga Tardo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al Shabaab isku dayeen in ay weerar kusoo qaadaan ciidaanka Dib-u-xoreynta deegaanka,balse ciidanka oo ka war helay xogta weerarka Al Shabaab ayaa ka hor tegay sida warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka macawiisleyda G/Hiiraan.

Saraakiisha ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka ayaa durba guulo waa weyn ka sheegtay dagaalka inkastoo khasaaraha rasmiga ee dagaalka socda ka dhashay aan la ogeyn.

Wixii soo kordho dib kala socda insha allaah