Home WARARKA DEG DEG: Dab Xoogan Oo Ka Socda Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho &...

DEG DEG: Dab Xoogan Oo Ka Socda Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho & Warar Dheraad ah

0
SHARE

Wararka  warqaad ay ka heleyso Suuqa ugu weyn magaalada muqdiso ee Bakaaro ayaa sheegaya in dab xoogan uu qabsaday goor dhaw.

Waxaa cirka qabsaday Qaac iyo olol laga arki karo meelo badan oo Muqdisho kamid ah waxaana sdioo kale la maqlayaa dhawaqa risaasta oo dhanka Bakaraha ka dhacayso, waxa ayna u badantahay in lagu kala eryayo dadka.

Dad ku dhaw suuqa Bakaaraha kana mid ah ganacsatada hantida kaga jirto suuqaasi aya inoo sheegay in qeybta Huudheyda iyo qeybta Maacuunta ay u badantahay in dabkaasi uu ka kacay, lamana ogaan karo xaalada rasmiga ah ee caawa ka taagan Bakaaraha.

Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay balse waxaa kusii socda Bakaaraha gaadiidka dab damiska.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE