DEG DEG: Culeys Ka Taagan Xildhibaano Lagu Dhaarin Lahaa Magaalada Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya in Xiisad ka taagan tahay Xildhibaano lagu dhaarin lahaa Magaaladaasi.

Inkastoo Gudiga Doorashada Jubbaland Labo firqo kala yihiin Qeyb Axmed Madoobe magacaabay iyo Gudi ay Murashaxiinta Isbadel doonka Jubbaland magacowdeen ayaa Garabka Xamse Cabdi Barre Hogaamiyo maanta ay dhaariyeen Xildhibaanada.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Daawad Ee Magaalada Kismaayo ayaana la arkayey maanta Saxmad badan iyo gaadiid kala duwan oo nuuca raaxada ah oo Baakinada Laamiga ay buux dhaafiyeen.

Xildhibaanada Garabka Murashaxiinta Isbadel doonka Jubbaland la baxay ayaa waxay iyagu yihiin kuwo saameyn badan ku yeelan doonto sidii ay dhaarta usameyn lahaayeen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu amray in la weeraro goobta Dhaarinta ay ku diyaarinayaan Gudiga kale ee laga garab magacaabay.

Inta badan Xildhibaanada Isbadel doonka ay Saaka ku dhawaaqeen waxay yihiin kuwo aan Kismaayo joogin,oo xamar iyo Nairobi ku kala sugan yihiin,balse waxa la ogaan doonaa,siday udhaariyaan.

Jahwareerka siyaasadeed ayaa weli ka socda Kismaayo iyadoo qolo walbo ay leeyihiin inaga ayaa sharci ah oo Jubbaland ka damqaneyno.