Deg Deg: Codeynta doorashada Aqalka Sare oo ka bilaabatay Jowhar

0

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo deegaanada Hirshabeelle ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Jowhar.

Saddex kursi oo kamid ah 8 kursi ee Hirshabeelle ee Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in caawa lagu doorto Jowhar iyadoo goor dhow ka bilaabatay Howlka Xarunta Baarlamaanka Maamulka,
Doorashada oo la qorsheeyay inaybilaabato duhurnimadii maanta ayaa dib u dhac aan la shaacin sababta keentay ku timid,hase yeeshee waxaa jira olole xoog leh oo loogu jiro kuraasta maanta lagu dooranayo Jowhar gaar ahaan kursiga uu ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Muuse Suudi Yalaxow.

Xilli habeen ayaa doorashadan waxa ay ka dhacaysaa magaalada Jowhar iyadoo ugaga duwan magaalooyinka kale ee dalka in xilli habeenimo doorashadu dhacayso ayna tahay mid aan la sii ogaan karin cidda ku guuleysanaysa oo si dhab ah loogu tartamayo.
Musharaxiinta kursiga koowaad ku tartamaya ayaa waxaa kamid ah;

1- Muuse Suudi Yalaxow
2- Cabdullahi Sheekh Xasan
3- Axmed Xasan Cadow Daaci iyo 4 Dr. Xasan Cadaay Cali.
Kursiga labaad ee doorashada ayaa waxaa ku tartamaya
Maxamed Cusmaan Dhega-Juun
Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)
Sidoo kale waxaa kursiga saddexaad ku tartamaya Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama iyo Sacdlya Yarrow Aadan