Home WARARKA DEG DEG: Ciidan Hubeysan Oo Ceelasha Biyaha Ku Dilay Nin Ay Gaari...

DEG DEG: Ciidan Hubeysan Oo Ceelasha Biyaha Ku Dilay Nin Ay Gaari Kala Dageen

0
SHARE

Sida ay inoo sheegeen dad lagu kalsoon yahay waxaa dil uu ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee KM17 halkaas oo ah Deegaan waayihii dambe Dad badan ay deegaansadeen.

Ciidan katirsan sida la sheegay kuwo Isbaaro Lacag lagu qaado utaallo ayaa dilay mid ka mid ah Kirishbooyada la socday Gaadiidka Khudaarta keenta Muqdisho.

Waxa lagu Eedeeyey Gaariga ay Ciidanka Ninkaasi kala deggeen inuu lasoo dhuuntay Lacag Isbaarada looga qaadi jiray uu wado qardo jeex ah soo maray balse lagu qabtay Ceelasha Biyaha sidaana lagu dilay.

Inkastoo Isbaarada ay tahay mid lagu sheegay Canshuur hadana waxaa hubanti ah in Goobo badan oo wadada udhaxeysa Xamar ilaa Afgooye,Muqdisho ilaa Jowhar ay Isbaarooyin badan daadsan yihiin oo Gaadiidka Lacago Baad ah looga qaado.

Ceelasha Biyaha ayaa Caan noqotay Markii Ciidamada Itoobiyaanku ay soo galeen Soomaaliya Sanadkii 2007-dii 11 Sano ka hor Hal Milyan dad kabadana ay Halkaas ubarakaceen.

Waxa weli Ceelasha deggan Boqolaal Kun Oo Qoys oo aan Xamar kusoo laaban ilaa barakacoodii,Guryo iyo Goobo Ganacsi oo waa weyn ayaana meeshaasi ku yaalla.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE