DEG DEG: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Kasoo Gudbay Xadka Degmada Dooloow

0

War goordhaweyd Kusoo Dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in ciidamo badan Itoobiyaan ah ay soo gaareen Magaalada Dooloow Ee Dalka Soomaaliya.

Ciidankani ayaan la ogeyn ujeedkooda dhabta ah balse waxaa dadka qaar ay sheegeen inay la doonayo xoreynta Gobolka Gedo inay ka qeyb qaataan.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa waxa la sheegay in uu hogaaminayey Ciidanka Itoobiyaanka Ee Dooloow yimid.

Tirada lama oga Askarta Itoobiyaanka ah inay gaarayaan iyo sida ay Xaaladu noqon karto aan la ogeyn waxay ku dambeyn doonto.

Dhinaca Kale Ciidamo Cusub ayey Dawlada Soomaaliya ka qoraneysaa Degmooyinka B/xaawo,Dooloow iyo Luuq kuwaas oo Rag iyo dumar iskugu jiro.

Ciidankaan ayaa la rabaa in ay ka mid noqdaan duulaanka lagu yahay deegaanada Shabaab joogaan.