Deg Deg: Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaano cusub

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa  gacanta ku dhigay deegaanka Ceel lahelay oo ka tirsan gobolka Galguduud iyagoo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wada  Deegaannadaasi oo dhaca dhinaca bari ee Magaalada Dhuusamareeb.

 

Deegaanka Ceel lahelay  ayaa waxa ku yaal inta u dhaxeeysay Degmooyinka  Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya.

Cabdifitaax Cali Xalane oo ka tirsan maamulka Deegaanka Ceel garas ayaa SONNA u xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga ay su buuxda ula wareegeen Deegaanka Ceel lahelay.

 

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyeen Ciidanka xoogga ee kooxda Argagixisada ee Al- shabaab ka dulqaaday.

 

Deegaankan Ceel lahelay mudo 10 sano ku dhawaad waxaa dhibaato badan ku haayay kooxda Nabadiidka oo dadka kala dagaalay dhinac kasta oo Nolosha ah.

Muqdisho-Somalia