Deg Deg: Banaabax ka dhan Farmaajo oo ka bilowday Muqdisho+Sawirro

0

Waxaa magalada Muqdisho dib uga bilowday Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaa oo waalidiin Soomaaliyeed ay dhigayaan.

Banaabaxa ayaa ka bilowday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho waxaana waalidiinta ay ku dalbanayaan  wiilashooda ay dowladda u dirtay dalka Ereteria iney jawaab ka bixiso halka ay ku dambeeyeen.

Waalidiinta aya wata boorar ka dhan ah madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo iyo madaxweynaha Ereteria Iseis afwerki, waxaana ku qoron weero ay ku dalbanayaan wiilashooda.

Waalidiintan ayaa aad kaga walaacsan warbixinta ay dhawaan Qaramada Midoobay ka soo saartay dagaalkii Tigreyga kaa oo lagu cadeeyay in askar Soomaaliyeed ay ka qeyb qaateen.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo inta badan xubnaha Midowga musharaxiinta ayaa ka dalbanaya Dowladda Federalka iney jawaab ka bixiso xaaladda wiilal Soomaaliyeed oo laga daabulay Muqdisho oo tababar loogu qaaday Ereteria.

Lama oga waxa ay dowladda Federalka arrinkan ka dhihi doonto maadama culeys weyn ay kala kulmeyso dhinacyo kala duwan iyadoo xitaa Kheyre laga dalbaday inuu cadeeyo waxa uu ka og yahay dhalinyarada loo diray wadanka Ereteria.

May be an image of 1 person, standing and outdoors

May be an image of one or more people, people standing and road

May be an image of 2 people, people standing and outdoors

Muqdisho-Somalia