Home WARARKA DEG DEG: Baarlamaanka Galmudug Oo Xilkii Ka Qaaday Cali Gacal Casir//Xaalka Oo...

DEG DEG: Baarlamaanka Galmudug Oo Xilkii Ka Qaaday Cali Gacal Casir//Xaalka Oo Sii Cakirmay

0
SHARE

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen Maanta Dhuuso mareeb waxay sheegeen in Codkii Kalsoonida lagala noqday Gudoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Mooshin labo maalmood laga doodayey ayaa si cod aqlabiyad leh xildhibaanadu ay xilka kaga qaadeen maanta oo Khamiis ah.

Warbaahinta Dhuuso mareeb ayaa soo tebisey in Kudhawaad 150 Xildhibaan oo xaadiray Fadhigii maanta badankood ay Gacan taag ugu codeeyeen kalsooni kala noqoshada Gacal.

Hore ayuu udiiday Cali Gacal inuu Aqbalo Mooshinka kuna sheegay mid dad aan Xildhibaano aheyn soo gudbiyeen.

NAGA FILO WARAR DHEERAAD AH INSHA ALLAAH

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE