Home WARARKA DEG DEG: Askari Dawlada Katirsan Oo Toogtay Mid ka mid ah Bajaajleyda...

DEG DEG: Askari Dawlada Katirsan Oo Toogtay Mid ka mid ah Bajaajleyda Muqdisho & Tacadiga Dawlada Oo Sii Kordhaya

0
SHARE

Askari Katirsan Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa si bareer ah Rasaas ugu furay wiil dhalinyaro Bajaajle Ahaa Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Wadada ayaa aheyd mid xiran oo ciidamada ay dadka ka celinayeen,waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada ay diidene in gaadiidka isticmaalaan,dadka lugeynaya ayaa waddooyinka qaar la fasaxayey.

Muran soo kala dhex galay darawal bajaajle ah iyo Askari Wadadaasi ilaalo ka hayey gaadiidkana celinayey waxay keentay in dhowr xabadood lagu furo bajaajlaha.

Goob joogayaal waxay sheegeen inay rasaasta Caloosha kaga dhacday dhiig badana ka baxay,kaas oo dhaawac culus isagoo ah la qaaday.

Ciidamada Dawlada ayaa lagu Eedeyey inay Tacadiyo aan la isku ciqaabin kusameysaa Darawalada Bajaajleyda Muqdisho oo qudhooda lagu eedeeyo Dhalinyarada bajaajta inay Amarka qaadanin.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE