DEG DEG: Al Shabaab Oo baahiyey xog kusaabsan Fu’aad Shongole

0

Ururka Al Shabaab ayaa waxay baahiyeen codka Fu’aad Maxamed Shongole oo dhawaan Dawlada Itoobiya shaacisey inay ku dishay duqeyn diyaaradeed ay ka fulisey Aagga Deegaanka Aato.

Waxa uu shongole sheegay inay been tahay in la dilay isaga oo khudbad ujeedinayey dagaalyahano katirsan ururka Al Shabaab,isagoo sheegay in guulo ka gaareen dagaalkii Aato iyo Yeed.

Fu’aad ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed oo dawlada itoobiya leedahay ay isku dayeen inay duqeyn fuliyaan balse ay carareen sida uu warka udhigay.

Warar la helay oo dhinaca Sirdoonka ah ayaa sheegaya in Fu’aad ku dhaawacmay duqeyntii lala beegsaday daaweyn lagu sameeyey kadibna uu xarbul iclaam awgeed u garwaaqsaday inuu beeniyo xogta Itoobiya faafisey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA