Fiqi oo soo bandhigay Astaamo halista ah Ee Xukuumada cusub (Akhriso)

0

Cali Siciid Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya horena xilal kala duwan usoo qabtay sida Safiirkii Soomaaliya Midowga Yururb ufadhiyey iyo gudoomiyihii Baarlamaanka KGS ayaa  ka hadlay xaalada xukuumada cusub la magacaabay.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay biseyl siyaasadeed in lala yimaado meeshii dalka loo horseedi lahaa shaki iyo waxyaabo keeni kara in ay noqoto mid dad gaar ah Dawladnimada lagu naas nuujiyo.

“Jihada siyaasadeed ee dowladda Cusubi qaaday uma eeka mid ka turjumaysa aragtidii ahayd Soomaaliya Nabdoon oo heshiis ah. Maaha in ay innaga lunto Afar sanno, waxaan qabnaa khibrad iyo waayo-aragnimo buuxda oo aanu u leenahay dhibaatada ay leedahay Xasilooni-darada Siyaasadeed. Fursada waxaa haysta Madaxweyne Xasan Sheikh, Taariikhduna ninka ay xukumi doontaa waa isaga,ayuu yiri Danjire Fiqi”

Waxa uu ka mid ahaa Cali Siciid Fiqi xubnihii koobnaa ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uraacay dalka Ereteria xilli madaxweynaha uu kormeerayey ciidamada soomaaliyeed ee lagu tababaray dalkaas.