Dagaalkii Itoobiya Oo Weji kale Yeeshay & Tigreega Oo Gantaalo Ridaya

0

Ciidanka Itoobiya ayaa hadda la xaqiijiyey in ay 5 aag kaga wajahan yihiin magaalada Makele ee xarunta Ismaamulka Tigree-ga, waana bilow maalmo adag oo dagaal.

Milateriga Itoobiya ayaa laga soo xigtay in uu xalay bilowdat qeybta 2aad ee howlgalka soo celinta Midnimada Itoobiya, waxaana ay kuwajahan yihiin ciidamadu sida la sheegay deegaanada Adigrat, AbiyAdi, Ambalage, Gijet dhammaan waa saldhigyo adag oo aysan TPLF waxba uma dambeyn haddii laga qabsado.

Tigreega ayaa gantaalo ku tuuray dhinaca Gobolka amxaarada waxaana madfac dhowr ah ku dhaceen Caasimada Gobolkaas Ee Bahardar iyo Gondhar oo dadka Sudan ku yaalla.

Ra’iisal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa fariin udiray dadka Tigreega isagoo sheegay in ciidamada difaaca Itoobiya la taageero.