Home WARARKA Dab ka kacay xaafad ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho & Caruur Walaalo...

Dab ka kacay xaafad ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho & Caruur Walaalo ah oo ku Geeriyootay

0
SHARE

Illaa saddex carruur oo walaalo ah ayaa ku geeriyooday dab xalay ka kacay xero barakacayaal oo ku taal degmada Wadajir, kuna dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dabkan ayaa ka dhashay walxo baaruud ah oo ay carruur ku ciyaarayeen, waxaana uu qabsatay koronto, taasoo dhalisay dabka.

Guryaha uu qabsaday dabka ayaa ahaa guryaha cooshado iyo jiingado, waxaana ku baaba’ay illaa sagaal guri.

Maryan Axmed Faroole oo ah hooyada dhashay saddexda carruur ee dabka ku dhintay ayaa sheegtay in wax yar kaddib markii carruurteeda ay seexisay, isla markana aaday banaanka guriga uu dabka kacay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii dab ka kacay xaafado ka tirsan Muqdisho ay sababeen khasaarooyin hantiyadeed iyo burbur, waxaana la waayay meel ay u maraan baabuurta dab damiska, maadaama inta badan waddooyinka Muqdisho la xiray.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE