Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu bilaabo safaro kala duwan oo uu kala bixinayo qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada ka jira dalka.
Sida aan xogta ku helnay, Madaxweyne Xasan ayaa berri booqashadiisii ugu horreysay ku tegaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia.
Waxaa maanta magaalada Baydhaba gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Xuseen Shekh Maxamuud oo ay wefdigiisa qeyb ay ka ahayeen Xildhibaano iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qaranka.
Wafdigaan maanta gaaray Baydhaba ayaa hordhac u ah booqashada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu berri ku tago Baydhaba, waxaana safarkiisa uu qeyb ka yahay safaro uu ku tagayo Xarumaha Dowlad Goboleedyada ka hor caleema saarkiisa.
Madaxweyne Xasan iyo lafta-gareen ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan isbedalka ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweynaha ee la qabtay 15-kii May, taas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh, waxaana Lafta Gareen uu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore dalka.
HALKA HOOSE KA DAAWO XOGTA MUUQAALKA: