Home VIDEO S DAAWO VIDEO: Bandow Lagu Soo Roogay Garowe & Ciidamadii Ugu Badnaa ee...

DAAWO VIDEO: Bandow Lagu Soo Roogay Garowe & Ciidamadii Ugu Badnaa ee Puntland Oo Amar Adeg Lasiiyay

0
SHARE

Xili maalinta beri ah ay dhici doonto doorashada madaxtinimada Puntland ayaa waxaa goor dhoweyd warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garowe taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse.

Taliyaha ayaa sheegay in xaalad bandow ah oo xidhiidha dhaq dhaqaaqa baabuurta ah lagu soo rogay shacabka magaalada Garowe ilaa inta ay ka dhacayso doorashada madaxtinimada Puntland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO:

Waxaan jiri doonin wax gaadiid ah oo gudaha magaalada Garowe lagu dhex arki doono ilaa maalinta beri ah, waxaana sidoo kale ciidamo lagu daadiyey qaybaha kala duwan ee magaalada.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan cidna ka bixi doonin cidna soo gali doonin magaalada Garowe inta ay socoto doorashadu laga bilaabo galabta halka musharaxiinta iyo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland iyaguna loo ogol yahay gaadiid kooban.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE