Home WARARKA DAAWO: Ururada Dhalinyarada Jubbaland oo ka Horyimid Shirkii Magaalada Kismaayo

DAAWO: Ururada Dhalinyarada Jubbaland oo ka Horyimid Shirkii Magaalada Kismaayo

0
SHARE

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Ganacsato, Dhalinyaro,siyaasiyiin, iyo Aqoonyahan ka soo jeeda Maamulka Jubaland ayaa ka soo horjeestay Go’amadii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu qabtay Magalada Kismaayo.

Dadadkii halkaas ka hadalay Waxaa kamid ahaa,Maxamed Xassan Hirmooge oo kamid ah dadka Siyaasada deegaanka Xog ogaalka u ah,wuxuuna Sheegay in dadka Jubbaland ay Xiligan baahi u qabaan Maamul u cadaalada Sameeyey “Waxay waayeen Xuquuqihii aas aasiga ahaa,Waxbarashadii,Caafimaadkii,Shaqooyinkii ku xidhnaa nidaam maamul oo cadaalada ah guud ahaan,Waxayna qarka u saaranyihiin in dadku ay dib oogu laabtaan Xaaladii Sanado horey laga soo gudbay”

Maxamed Xassan Hirmooge ayaa intaas ku daray,in Maamulka Axmed Madoobe aan laga Sugaynin in ay wax hagaajiyaan,isla Markaana l;a gaadhay Xiligii deegaanka uu isbadal ka dhici lahaa,Wuxuu Sheegay in Axmed Madoobe uuna doonaynin in uu sameeyo Gudigii Doorashada mana doonayo ayuu yidhi in ay wax doorasho ah ka dhacdo deegaanka.

Dhankale Waxaa Shirkaas ka hadalay Xubno kamid ahaa Gudigii Safarsamada Maamulka Jubbaland 2013 kiisi gaar ah Maxamud Mursal Mayo woo gudigaas Xubnin ka ahaa ayaa Sheegay in Kismaayo ay ka jirto dhibaatooyin ay sababeen Maamul Xumada Axmed Madoobe,isaga oo ku nuux nuuxsaday in Ciidamada dhulkaas Xoreeyey ee deegaanku ay la kulmeen dacdaro aan u balaadhan,meelo badan oo deegaanka kamid ah ayuu sheegay in dhaawacyadaasi ay daryeel xumo ku haysato.

dadkii ka soo qeyb galay Shirkaas ayaa ka soo guud ahaanba ka soo horjeeday qodobadii kismayo Waxaa Sidookale lagu dhaliilay qaab wadaaga awooda Maamulka Jubaland iyaga oo ka digay in Madaxweynuhu uu waqti kororsi uu sameeyo.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE