Home VIDEO S DAAWO: Tuhun laga qabo ineysan daacad ka ahayn baaritaanka Guddigii loo saaray...

DAAWO: Tuhun laga qabo ineysan daacad ka ahayn baaritaanka Guddigii loo saaray Kiiska C/qeybdiid

0
SHARE

Senator Mudane Qodox oo maanta Khudbad ka jeediyay xarunta Golaha Aqalka sare ayaa ka hadlay Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid,wuxuuna ku tilmaamay inuu mid sharciga ka baxsan.

Weerarka oo mudo afar billood ka soo wareegtay ayaa ilaa iyo hadda wax jawaab rasmi ah laga bixin cida ka danbeysay iyo waliba sababta loo weeraray guriga mas’uul Dowladeed oo xasaanad leh.

Senator Qodax ayaa tilmaamay in madaxda Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in Arrintaan jawaab cad ka bixiyaan soona bandhigaan waxa ka soo baxay baaritaankii la sameeyay.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE