Home VIDEO S DAAWO: Tahriibe Suheyb “Hadii aan awood lahaa Magafaha Liibiya silic-baan u dili...

DAAWO: Tahriibe Suheyb “Hadii aan awood lahaa Magafaha Liibiya silic-baan u dili lahaa”

0
SHARE

Maxamed Suheyb oo ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed oo dhawaan laga keenay dalka Liibiya ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka uu la kulmay intii ku sugnaa dalka Liibiya una xabisnaa Magafayaasha Liibiya.

Wuxuu sheegay inuu qeyb ka ahaa Qeybtii Labaad dhalintaro laga keenay Liibiya mudo shan cishana uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo Dowladda daryeel ay ku siineyso goob loogu talagalay.

“ Waxaan ahaa nin arday oo Jaamacad dhigan jiray,Allxamdulilaah anigoo   jaamacada semester 3,maraya ayaa Tahriibta maskaxdeyda ku soo dhacday,waxyaabo badan oo iga hor yimid ayaa igu qasbay inaan Tahriibka galo,” ayuu yiri.

Maxamed Suheyb ayaa sheegay In cunto ahaan loo siin jiray Baastada Makarooni cad,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in halkaasi noloshiisa ay ku adkeyd.

Waxyaabaha murugada leh ee Maxamed Goob jooga u ahaa waxaa ka mid ah in saddex qof oo saaxiibadii ay tahriibta isla galeen goobta ay ku quur baxeen.

Halkaan Hoose Ka Daawo:- 

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE