DAAWO: Taageerayaasha Rooble oo xeelad nooc cusub ah uga adkaanaya kuwa Farmaajo

0

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa si weyn u xoogeystay dagaalka baraha bulshada ku dhex maraya taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka ka dagay Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo hadda u muuqda inuu weji kale yeeshay.

Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Farmaajo ee baraha bulshada looga yaqaano CBB ayaa maalmihii ugu dambeeyey sii xoojiyey aflagaadada ay u geysanayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna dagaalkaan soo billowday markii uu qarxay khilaafkii Farmaajo iyo Rooble.

Taageerayaal u badan xubno kasoo jeedo Somaliland, Sool iyo Soomaalida Kenya oo u muuqda inay yihiin kuwa abaabulan ayaa si joogta ah u aflagaadeeya Rooble tan iyo markii uu Rooble ku guuleystay inuu joojiyo doorashada kursigii Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

HALKAN HOOSE KA DAAWO: