Home VIDEO S DAAWO: Soo Dhaweyntii Madaxweyne Farmaajo Loogu Sameyay Itoobiya & Shirkii Jaraa’id

DAAWO: Soo Dhaweyntii Madaxweyne Farmaajo Loogu Sameyay Itoobiya & Shirkii Jaraa’id

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

HALKAN HOOSE KA DAAWO:

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE