Home VIDEO S DAAWO: Sidee u shaqeeya Xafiiska cusub MD Farmaajo ee W/Gaashaandhiga oo xalay...

DAAWO: Sidee u shaqeeya Xafiiska cusub MD Farmaajo ee W/Gaashaandhiga oo xalay ku Hooyday?

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ku hooyday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo uu Xafiis KMG ka furtay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi kullamo kula qaatay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo uu kala hadlay sidii loo laba jibaari lahaa dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska madaxweynaha uu ka furtay Wasaaradda Gaashaandhiga oo uu ka shaqo bilaabay dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2017-dii ayuu ku xoojinayaa dhiiragelinta Ciidamada Xoogga dalka iyo ka warqabkooda sida ay xaaladooda tahay.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tan iyo shalay kulllamo la leh Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka oo uu inta badan kala hadlay Xaaladda amni ee dalka iyo dowrka Ciidamada Dowladda ka qaadanayaan dib u xoreynta dalka.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa hadda wada howlgalo ay deegaano badan kaga saarayaan Al-Shabaab.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE