Daawo: Sawirrada hubka faraha badan ee NISA gacanta ku dhigtay maanta

0

Ciidamada Ammaanka ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen guri kuyaalla degmada Howlwadaag gaar ahaan suuqa Bakaaraha, waxa ay kusoo qabteen hub nuucyo kala duwan ,qaraxyo iyo gaadiid.

Howlgalkan ayaa ciidamada ka sameeyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxana ciidamada la sheegay in howlgal sidoo kale kusoo qabteen labo nin oo la tuhmayo iyo gaari.

Dowladda Soomaaiya ayaan faah faahin badan ka bixin howlgalkan qorsheesan ee maanta lagu soo qabtay hubka iyo gaadiidka, waxa ayna dowladda sheegtay in hubkan Al Shabaab leeyihiin.

Hubkan ee dowladda soo bandhigtay ayaa waxaa ku jira qoryaha garbaha laga tuuro ee loo yaqaan sabanka iyo sidoo kale bambooyinka nuuca gacanta laga tuuro.

 

 

Muqdisho-Somalia