Home VIDEO S DAAWO MUUQAAL: Khaladaadkii Ugu Horeeyey Ay Maanta galeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

DAAWO MUUQAAL: Khaladaadkii Ugu Horeeyey Ay Maanta galeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

0
SHARE

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxay maanta dhageysanayeen Khudbadaha ay Jeedinayeen Murashaxiinta Xildoonka u ahaa Xilka ugu sareeya iyo kuxigeenka Madaxweynaha.

Inta Kulankaas socday waxaa jirtay xod xodasho ay sameenayeen murashaxiinta oo lagu shukaansanayey Xildhibaanada berri codkooda Loo baahan yahay.

Waxay taas keentay in Kulankii oo socda la waayey Xildhibaanada inkabadan tiradooda qeybtood,taas oo keentay inuu canaanto Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Dhoobo Deereed.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ceeb tahay Xildhibaano 30 ka yar inay soo hareen oo aysan dhageysan khudbadaha Murashaxiinta jeedinayeen,sidee rabtaan berri inaad ku qiimeysaan murashaxiinta markii doorashada la codeenayo ayuu Gudoomiye Dhoobo yiri.

HOOS KA DAAWO WIXII KA DHACAY MAANTA BAARLAMAANKA DHEXDIISA

 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE