DAAWO: Madaxtooyada Soomaaliya oo shaacisay iney dhinteen qaar ka mid ah dhalinyaradii loo qaaday Eratariya

0

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa markii ugu horeysay shaaciyay iney dhinteen qaar ka mid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday wadanka Eratariya.

Afhayeenka oo la hadlaayay Talefashinka Somali Cable ayaa sheegay ineysan jirin cid uga baahi badan dowladda Soomaaliya 5000 kun oo ciidan tababaran ah, islamarkaana dhawaan dalka dib loogu soo celin doono.

Waxuu intaa sii raaciyay Afhayeenka in dhalinyaradaasi qaarkood ay dhinteen, islamarkaana ay ka warqabaan waalidiinta kuwa dhintay iyo waliba kuwa nool, isagoona sheegay in dhalinta qaarkood ay si caadi ah u dhinteen kuwa qaarna ay tababarka dhexdiisa ku geeriyoodeen.

HALKAN HOOSE KA DAAWO: