Ganacsatada Qaadka keena ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay joojinayaan qaadka ay ka keenaan Ethiopia, kadib markii ay sheegeen in dowladdaas ay kusoo rogtay caqabado hor leh.
Afhayeenka Ganacsatada Qaadka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aankan uu dhaqan gali doono bisha soo socota lixdeeda, isaga oo aarintaan ku sababeeyay kadib markii canshuurtii Ethiopia ay ka qaadi jirtay ku qaaliyeysay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay qaadka ka keensan doonaan Kenya iyo Yemen, islamarkaana ay kasoo dejisan doonaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.
HALKAN HOOSE KA DAAWO: