DAAWO: Halista Cudurka Ebola ee Somalia iyo Digniino culus oo lasoo saaray

0

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Uganda ayaa sheegtay in 7 qof oo goor hore loo karantiilay in uu ku dhacay cudurka Ebola haatan laga waayay cudurkaas.

Tan iyo markii kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola lagu arkay Galbeedka Uganda saddex maalmood ka hor, ayaa waxaa la xaqiijiyay in laba qof ay halkaas ku dhinteen.

Soomaaliya iyo Uganda ayaa waxaa ka dhexeeya isu socod dhanka bulshada ah, ayadoo ciidamo ka socda Uganda oo ka tirsan AMISOM ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ayaa si joogto ah ugu kala safra Muqdisho iyo Kampala, waxaana lasoo saaray Digniino xoogan oo loo jeediyay Dowlada Soomaaliya.

Dhaqataatiir iyo Hay’addo Caalami ah ayaa Dowlada Soomaaliya faray Dhowr Talaabo ay tahay inay sameyso si Umadda Soomaaliyeed looga taxadaro.

Halkaan Hoose ka Daawo Warbixin aad Xog badan ku ogaan doonto