Home VIDEO S DAAWO: Dowlada Somalia Oo 1 Milyano Dolar Ugu Deeqday Somaliland

DAAWO: Dowlada Somalia Oo 1 Milyano Dolar Ugu Deeqday Somaliland

0
SHARE

Dawladda Soomaaliya ayaa hal milyan oo Doollar ugu deeqday hawlaha gurmadka duufaatanadii ka dhacay degaanada Maamulka Somaliland.

Gudiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay Raiisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Dawladdu ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka dabaylaha watay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO:

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Raiisal wasaare ku-igeenka dalka ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay lacag hal milyan oo Doollor ah u qoondaysay gobollada Awdal iyo woqooyi galbeed oo ka mid ah meelaha roobabka dabaylaha watay ay Khasaaraha ka soo gaartay.

Dad iyo duunyo badan ayaa saameyn ay ku yeesheen roobabkii dabeylaha watay ee ku dhuftay Gobollada Awdal iyo Waqooyi galbeed oo ka mid ah meelaha khasaaraha badan ay ka dhasheen.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE