DAAWO DEG DEG Taliska Ciidanka badda Somalia oo War Adag soo saaray & Qorshe Cusub oo…

0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Admiral Cabbaas Amiin Cali ayaa ka warbixiyay dib u habeynta balaaran oo lagu sameeyay Ciidamada Badda iyo qorsheyaasha lagu horumarinaayo.

Admiraal Cabbaas ayaa tilmaamay in labadii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashanaya taliska Ciidanka Xoogga ay sameeyeen qorshooyin muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooyinka ciidanka badda.

HOOS KA DAAWO FULL VIDEO

“Anaga oo fulineyna masuuliyadda uu Madaxweynuhu noo igmaday iyo tilmaamaha na horyaala waxaan bilaawnay in aan dib u habeyn ballaaran ku sameyno ciidanka oo ay ka mid yihiin qalabeyn iyo tababarro”.

Taliyaha Ciidanka Badda ayaa sheegay in tayeynta ciidankeenna si ay awood buuxda ugu yeeshaan ilaalinta baddeenna ay muhiim tahay marxaladda lagu jiro, arrinkaas oo haatan ay gacan ka geysanayaan qaar ka mid ah dowlaha taageera Soomaaliya.

Ugu dambeyn Admiraal Cabbaas Amiin Cali ayaa adkeeyay in aan marnaba loo dul qaadan doonin cidkasta oo kusoo xadgudubta Biyaha Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in talisku uu fursad ay siinayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo daneyneysa in ay kusoo biiraan Ciidanka Badda.